Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay kasoo degto diyaarad sidda qaybtii Labaad ee maxaabiis Soomaaliyeed oo laga soo daayey xabsiyada dalka Liibiya.
Maxaabiista maanta la filayo inay magaalada Muqdisho yimaaddaan ayaa tiro ahaan waxay gaarayaan 13 dhallinyaro ah, kuwaasi oo dalbaday in dalkooda dib loogu soo celiyo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dedaal ugu jirta sidii loo soo celin lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka Liibiya.




From the comments