Warqad ay heshay Goobjoog News, ayna u xaqiijiyeen diblomaasiyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa waxaa ku xusan in ergada Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta ay dalbadeen in ajendaha kulanka wasiirrada Jaamacadda Carabta ee Qaahira lagu daro qodob ku saabsan Dekadda Berbera iyo heshiiska Xaqdarrada ah.
Ergadu waxay sheegtay in warbaahinta laga sheegay heshiis 3 geesood ah oo looga faa’ideysanayo Dekadda Berbera kaas oo ay galeen DP World, mas’uuliyiin gudaha ah iyo mid ka mid ah dowladaha dariska.
Qoraalka loo gudbiyay Jaamacadda Carabta waxaa lagu xusay in dowladda federaalka ah ay si rasmi ah u sheegtay in heshiiska aaney qayb ka ahayn, cid u matashana aaney jirin, iyada oo heshiisku ka hor imaanayo qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka ah iyo in uu yahay faragelin arrimaha gudaha iyo midnimada Soomaaliya.




From the comments