Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay go’aankii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka soo baxay toddobaadkan gudahiisa kaasi oo ku saabsanaa heshiiska dekadda Berbera.
Muuse Biixi ayaa sheegay in dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay ka waddo Geeska Africa dagaal, isaga oo hoosta ka xarriiqay in wixii ka yimaadda arrintaasi ay mas’uuliyaddeeda qaadeyso dowladda Soomaaliya waxa uuna yiri.
“Maalmahaan waxaa ka socday Geeska Africa xiisad cusub, xiisaddaas waxaa abuuray dowladda Muqdisho ka dhisan, dowladda Muqdisho ka dhisan iyo Somaliland halka ay kala marayaan lagama warhayo iyo sida la isku maandhaafsan yahay”.




From the comments