Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Gamboole oo ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe.
Ciidamada xoogga dalka ayaa la sheegay in saakay ay ku jarmaadeen deegaankaasi, waxayna dadka deegaanka ay xaqiijiyeen in dagaal la’aan ay ciidamadan halkaasi la wareegeen.
Waxaa jira howlgal la sheegay iney ciidamada dowladda Federaalka ah ka wadaan deegaankan oo muhiim u ahaa dagaalyahannada Al-shabaab.




From the comments