Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo saaka wareysi siiyay BBC laanta afka Soomaaliga ayaa sheegay in dal walaal ah uu dhex-dhexaadin doonno Soomaaliya iyo Imaaraadka.
Cawad oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yiri ‘Waxaa kale oo ka soo baxay in heshiiskii dekadda ku saabsanaa, oo innaga aan ka muujiney in aanan raalli ka aheyn, markii aan damacney in aan eedeyno ayaa dal walaal nala ah, oo xiriir fiican innaga iyo Imaaraadkaba leh ayaa yiri: innaga ayaa arrintaasi dhex galeyna ee ha naloo daay”
Haddaba, Goobjoog News oo ka ambo-qaadeysa wareysigaasi ayaa waxaa ay xiriir la sameysay mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.




From the comments