Goobjoog

Xiisad u Dhaxeysa Maleeshiyo Beeleed Oo Ka Jirta Shabeellada Dhexe

Xiisad dagaal oo u dhaxeysa maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed ayaa lagu soo waramayaa iney haatan ka taagan tahay duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe. Deegaanka Gaashaanle oo…

Xiisad u Dhaxeysa Maleeshiyo Beeleed Oo Ka Jirta Shabeellada Dhexe
EASTERN OGADENIA, EASTERN ETHIOPIA – OCTOBER 12TH: A company commander (in front) and some of his men are taking pleasure in shooting into a nearby wood, October 12th 2006, in Ethiopia. It allows them to make sure their weapons are not rusty. (Photo by Jonathan Alpeyrie/Getty images)

Xiisad dagaal oo u dhaxeysa maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed ayaa lagu soo waramayaa iney haatan ka taagan tahay duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.

Deegaanka Gaashaanle oo ka mid ah deegaannada hoostaga Jowhar, islamarkaana qiyaas ahaan 15 KM ka xiga dhanka Koonfur Bari ayaa lagu soo waramayaa iney isku hayaan Labo maleeshiyo beeleed.

Xiisaddan ayaa ka dhalatay kadib markii Jimcihii shalay lagu diley deegaankaasi Afar qof.

Arbacow Xaaji Aadan, guddoomiyaha deegaankan ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, ku sheegay in haddii aan degdeg wax looga qaban xiisaddan jirta ay xaaladda meel adag sii tagi karto.

“Meeshaan waxaa ka taagan xaalad adag, muranka wuxuu ka bilowday xoolo lumay, Afar qof ayeey Labada dhinac iska dileen, cabsina waa ay jirtaa weli” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Arbacow ayaa sheegay in weli aanu jirin cid kala dhexgashay dhinacyadan is haya, xilli walbana dagaal la filan karo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments