Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Xoogga Dalka ayaa dib isaga soo baxay deegaanka Gamboole ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo ay shalay kala wareegeen Al-shabaab.
Dadka ku sugan Gamboole qaarkood oo aan xiriir la samaynay waxay xaqiijiyeen in ciidanka dowladda ay dib uga baxeen deegaankan oo shalay ilaa iyo xalay ay ku sugnaayeen.
Dagaalyahannada Al-shabaab oo ku sugnaa duleedka deegaankaasi ayaa dib u qabsaday Gamboole sida ay soo sheegayaan wariyeyaasheenna.




From the comments