Degmada Af-barwaaqo Ee Gobolka Mudug Oo Ka Soo Ka Baneysa Colaado Ragaadiyey

Xafladda caleemo-saarka maamulka cusub ee degmada Af-barwaaqo ee gobolka Mudug ayaa ka dhacday magaaladaas.
Xafladda caleemo-saarka ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirro, xildhibaanno ka tirsan maamulka Galmudug iyo mas’uuliyiin kale.
Degmada Af-barwaaqo ayaa qiyaas ahaan u jirta magaalada Gaalkacyo 180 KM, waxayna in muddo ah ay la daalo dhaceysay colaado u dhaxeeya beelo wada dega.
Degmada ayaa hadda waxa ay ka soo kabaneysaa xaaladihii kala duwanaa ee soo maray qaar ka mid wax-garadka degmada Af-barwaaqo ayaa sheegay in maamulka Cusub ee degmada ay hadda hortaallo shaqooyin badan .
Haddaba waa kuwaan qaar ka mid odayaasha degamada oo la hadley Goobjoog News waxaana ka mid ahaa hadalladooda.
“Degamadaan Taariikhda ay leedahay waa Taariikh weyn, Af-barwaaqo waxa ay ka mid tahay magaalooyinka Taariikhda ku leh dalka”.
Qof kale oo ka mid ah odayaasha deegaanka waxa uu yiri “ Deegaankan waxaa la rabaa in laga dhigo nabad, waxaan aragnaa waxa magaaladan sidaan u baabi’iyay inay tahay nabad darro”.
Cabdullahi Jaamac Dhoore guddoomiyaha cusub ee degmada Af-barwaaqo ayaa asna dhankiisa sheegay in uu ka shaqeyn doono horumarinta degmadan waxa uuna yiri:
“Waxaan ballan-qaadayaa sidii la iigu wareejiyey xilka iyo si ka qurxoon in aan u maamulo, waxaan ka shaqeyn doonaa horumarinta degamada wax walba oo aan u qaban karo waan u qabanaa”.
Goobjoog News