Guddoomiyaha degmada Baydhabo ahna duqa magaalada Cadullaahi Cali Watiin ayaa Goobjoog News u sheegay in maamulka maagalada Baydhabo iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koofur Galbeed ay wadaan bixinta aqoonsiga guryaha ee magaalada.
Guddoomiyaha ayaa waxa uu intaas ku daray in ay dhanka kale wadaan diiwaangelinta dadka ku nool magaalada Baydhabo si looga qaado canshuurta waajibka ku ah waxa uuna yiri:
“Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda iyo maamulka Dowladda Hoose ee degmada Baydhabo waxa ay wadaan barnaamij lagu diiwaangelinayo dadka ku nool magaalada Baydhabo si looga qaado canshuurta amnigana loo xaqiijiyo”.




From the comments