Shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa soo dhoweeyay biyo-keenista Wabiga Shabeelle oo maalmo badan biyo-la’aan ahaa.
Qaar kamid ah shacabka ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in uu biyo keeno Wabiga, ka dib maalmo badan oo ay dadku harraad qabeen.
“Waxaa Ilaahay mahaddiisa ah in mar kale uu Wabiga biyo keeno, waan ku faraxsannahay, waana ka faa’ideysan doonnaa” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah shacabka B/weyne.




From the comments