Sida ay qortay Wakaaladda SONNA, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa shaqo maalmeedkiisa u wareejiyay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta tagey xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaasi oo uu kulamo kula yeeshay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Wadaaradda Gaashaadhigga.
Ujeedada ayaa ah sidii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu u dhiirrigelin lahaa dardar-gelinta howlgallada milatari ee ka dhanka ah xarakada Al-shabaab.




From the comments