Labo ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobey iyo Wasaaradda Caafimaadka ayaa Isniintii waxaa ay daaha ka qaadeen olole lagu tallaalayo caruur ilaa 4 Milyan ah oo da’doodu u dhaxeyso 6-10 jir, caruurtan waxaa laga tallaalayaa cudurka Jadeecada.
Ololahan oo ah mid qaran, waxaa wadda hay’adda caafimaadka ee (WHO), hay’adda caruurta (UNICEF), iyo Wasaaradda Caafimaadla, ujeedkuna waa in caruurta laga tallaalo cudurka dilaaga ah ee jadeecada.
Ololahan waxaa ka faa’ideysanaya 2.7 milyan oo ah caruurta ku nool bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya iyo 1.1 milyan oo ah caruur ku nool Somaliland.




From the comments