Dagaal u dhaxeeyay ciidamada AMISOM iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabellaha Hoose, kaasi oo khasaare geystay.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalyahannada Al-shabaabay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada AMISOM ku lahaayeen deegaankaasi, waxaana dagaalka uu socday in ka badan saacad.
Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaalkan, balse lama oga tirada rasmiga ah inta ay la egtahay.




From the comments