U bood dhigaalka

Muuse Biixi Oo U Safray Imaaraadka Carabta

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa u duulay dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya qaar ka mid ah golahiisa wasiirada, dolwadda Imaaraadaka ayaa madaxweynaha waxa ay u soo dirtay diyaarad gaar ah.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa la filayaa in madaxda Imaaraadka ay ka wada hadlaan arrinta ku saabsan heshiiska DP World.

Safarka Madaxweynaha ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli shalay Baarlamaanka Soomaaliya uu soo saaray go’aan DP World looga mamnuucayo in dalka ay ka shaqeyso, sidoo kale maanta ayaa Golaha Wakiillada Somaliland waxa ay taageereen heshiiska DP World ee Berbera.

Dhanka kale waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu u ambabaxo maalmaha soo socda safar dibadda ah kaasi oo uu ku tagi doono Magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar.

Madaxweynaha ayaa madaxda Qatar kala hadli doona xiriirka ganacsi iyo midka siyaasadeed ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya Qatar iyo Soomaaliya.

Goobjoog News