Ugu yaraan 25 qof ayaa lagu dilay weeraro ka dhacay bartamaha Nigeria, kuwaasi oo ay geysteen kooxo hubeysan.
Sida ay sheegeen warbaahinta gudaha dalkaasi, weeraradan ayaa waxa ay ka dhaceen labo tuulo oo lagu kala magacaabo “Kora” iyo “Pasa” oo ku yaalla gobolka Plato ee bartamaha Nigeria.
Afhayeen u hadlay ciidamada booliska ee gobolka ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan 3 caruur ah iyo 3 haween ah.




From the comments