Goobjoog

Saameynta Xirnaanshiyada Xuduudda Aan Rasmiga Ahayn Ee Kenya Iyo Soomaaliya

Waxaa xiran maalintii 3-aad xadka u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan dhanka degmooyinka B/xaawo iyo Mandhera, taasi oo saameyn weyn ku yeelatay isku socodkii, ganacsigii iyo waxbarashada Labada dhinac.…

Saameynta Xirnaanshiyada Xuduudda Aan Rasmiga Ahayn Ee Kenya Iyo Soomaaliya

Waxaa xiran maalintii 3-aad xadka u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan dhanka degmooyinka B/xaawo iyo Mandhera, taasi oo saameyn weyn ku yeelatay isku socodkii, ganacsigii iyo waxbarashada Labada dhinac.

Tallaabada lagu xirey xuduudda ayaa waxaa ka dambeeyay maamulka degmada B/xaawo, kadib markii uu sheegay in ay soo badanayaan tacaddiyada ay ciidamada Kenya ka sameynayaan halkaasi.

Shiine Xasan Cabdille oo ah guddoomiyaha ururka dhallinyarada degmada B/xaawo ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in ay taageersan yihiin tallaadaba xuduudda lagu xiray.

Waxa uu tilmaamay Shiine in kaliya shacabka B/xaawo aanay u baahneyn dhanka Mandhera ee sidoo kale shacabka Mandhera u baahan yihiin kuwa B/xaawo.

Dhanka kale, xubno u hadlay maamulka degmada B/xaawo ayaa sheegay in Kenya ay weli waddo tacaddiyada ka dhanka ah shacabka, islamarkaana ay waddo sidoo kale dhul ballaarsi.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments