Taliska ciidanka xoogga dalka ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dhowaan ay furi doonaan waddooyinka gala degmada Buuloburde oo u xiran Al-shabaab.
Afar Sano oo ay xirnaayeen waddooyinkaan, taliskan wuxuu sheegayaa iney shacabka Buuloburde ka qaadi doonaan go’doonka ay ku jiraan.
Taliyaha guutada Shanaad ee ciidanka Xoogga dalka, G/sare Faarax Kooshin oo meel fagaare ah kula hadlay shacabka Buuloburde ayaa sheegay in maalmaha soo aadan ay furi doonaan waddooyinka xiran, shacabkana ay si xor ah ku mari doonaan deegaannada kale ee degmadaasi hoostaga.




From the comments