Wararka naga soo gaaraya garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxay sheegayaan in goor dhow halkaasi ay soo cago dhigatay diyaarad ay la socdeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo daayey xabsiyo ku yaalla dalka Liibiya.
Muwaadiniinta la keenay ayaa tiradoodu waxay gaareysaa 13, waxaana ku jirta Hal gabar, iyadoo xubno ka tirsan dowladda federaalka ay kusoo dhoweynayaan garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Dadkan ayaa soo doortay in dalkooda hooyo dib loogu soo celiyo, kadib markii ay dowladda federaalka tagtay xabsiyada lagu hayo dadkan, si dalkooda loo keeno.




From the comments