Goobjoog

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Hadlay Amarrada Garoomada Cayaaraha

Maamulka gobolka Benaadir ayaa sheegay in uu sugi-doono ammaanka guud ee gobolka, Guddoomiye ku xigeenka gobolka Maxamed Cabdullahi Tuulax oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in maamulka gobolka ay diyaar…

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Hadlay Amarrada Garoomada Cayaaraha

Maamulka gobolka Benaadir ayaa sheegay in uu sugi-doono ammaanka guud ee gobolka, Guddoomiye ku xigeenka gobolka Maxamed Cabdullahi Tuulax oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in maamulka gobolka ay diyaar u yahiin sugidda amniga gobolka Benaadir.

Tuulax ayaa  dhanka kale beeniyey in amarro ka soo baxay Al-shabaab ay ka dhaqan galeen gudaha Muqdisho. Kuwaasi oo ay ku soo rogeen garoomada lagu ciyaaro ee loo yaqaanno Sallaxyada.

“Warka sheegaya in Al-shabaab ay ku soo rogeen garoomada ciyaaraha waa been, xalay waxaan tagnay degamada Juungal dadka caadi ayey ahaayeen meelaha lagu dheelo banooniga waa ay furnaayeen, waxaan rabaa in aan u sheego shacabka degan degamooyinka gobolka in kaalintooda ay maniga ka qaataan”.

Hadalka guddoomiye ku xigeenka gobolka Benaadir ayaa ku soo aadaya xilli todobaadkan gudahiisa ay Al-shabaab sida la sheegay ay amarro ku soo rogeyn goobaha lagu ciyaaro kubadda cagta.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments