Shirkadda “Microsoft” ayaa furtay farac cusub, iskuul lagu baran doono Artificial intelligence “AI” ee garaadka aaladaha , waxaa wax ku baranaya 24-arday oo takhasusyo kala duwan ah.
Waxay shirkaddu horkacaysaa mashaariic cilmibaaris iyo teknoolajiyad ah oo ay ardaydu ka qeybqaadan doonaan, waana Sida uu sheegay maamulaha Iskuulka Carlo Purassanta.
Da’da ardayda iskuulku qaadanayo ayaa waxay u dhaxaysaa 19 illaa 39-sano, waxaa ka mid ah qaar ka soo baxay kulliyadaha xuquuqda, Business Administration iyo Finance. Waxaa kale oo fursadda helaya kulliyadaha Sayniska iyo biology-ga. Ardaydan ayaa labarayaa xisaabaadka tirakoobyada, horumarinta isgaarsiinta iyo dib-u-habeyntooda.




From the comments