Dhaxal-sugaha Sacuudiga ahna wasiirka difaaca Amiir Maxamed Binu Salmaan, ayaa sheegay in dalkiisa uu horumarin doono hubka Nuclear-ka, haddii Iran oo gobolka kula tartameyso ay sii heysato hubka Nuclear-ka .
Salmaan oo wereysi siinayey barnaamijka 60-ka daqiiqo ee ka baxa telefishinka CBS, ayaa sheegay in Sacudiga uusan dooneynin xilligan in uu helo Nuclear, balse waxa uu caddeeyay in Iran haddii ay sii horumariso barnaamijkeeda Nuclear-ka in Sacuudiga uu si degdeg ah uu ku sameysan doono Nuclear.
Iran ayaa hoos u dhigtay awoodaha barnaamijkeeda Nuclear-ka, ka dib saxiixii heshiiskii ay la gashay dowladaha waaweyn sanadkii 2015-kii, balse madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku goodiyey in Mareykanka uu ka bixi doono heshiiskan.




From the comments