Todobaad kadib, shirkii banii’aadnimada ee London, Goobjoog News ayaa arrintaasi wareysi gaar ah kala yeelatay safiirka UK ee Soomaliya David Concar, innaga oo wax ka weydiinay shirkii banii’aadamnimada ee London ka dhacay todobaadkii hore.
Concar oo waxa uu ku jawaabay “Shirkii ka dhacay London ee usbuucii hore, wuxuu ahaa mid lagu xaqiijinayo dareenka caalamku markiiba ka muujiyey arrintan marka guusha weyn ee la gaaray sanadkii hore , waxay ahayd qeylo dhaanta iyo suurtagalnimada inay ka dhacdo macluul Soomaaliya taasoo xilli hore laga digey maxaa yeeley hay’adaha gargaarka markaas ayey diyaargaroobeen illaa xad waliba si dhaqsa ah, tanina waxay xaqiijisay in baahida dadka aad u il daran in la gaari karo sanadkaanna waxaan rajeyneynaa inaan sameynno si la mid ah diyaargarowgii hore, maxaayeelay waxaa muuqata inay jiraan dad gaaraya 5.4million oo baahan kuwaasoo ku sugan Soomaaliya waana tiro aad u badan kala bar dadkaasna waxay jiraan xaalad aad u qallifsan marka nuxurka dhacdadii London, waxay ahayd in la xusuusiyo caalamka uu la yiraahdo dhibaatadan wali ma dhammaan shaqo wanaagsanna waan qabanay sanadkii tagey, inagoo kaashaneyna dowladda Soomaaliya iyo maamulladeeda waxaana dooneynaa inaan shaqo kale oo wanaagsan sameyno sanadkan inagoo ka shidaal qaadaneynaa warbinnada aan heleyno marka kalsooni badan ayaan qabnaa si loo guuleysatana waa in qof kasta uu gacan ka geysto caalamkuna uusan waxba la harin sidii ay sameeyeen sanadkii hore si looga gudbo qarash yarida jirta, laakiin lacag badan ayey hore xubnahaan u ballanqaadeen marka waa billaw wanaagsan dowladda dhexe ee Soomaaliyana waxaa laga doonayaa inay doorkooda qaataan iyagoo xaqiijinaya sidii gargaarka bini’aadannimo loogu heli lahaa hannaan lagu gaarsiiyo dadka u baahan haddii aan arrimahaan sameyno waxaan markaas weecin karnaa macluusha sanadkan sidii la yeelayba sanadkii hore.
Mar uu ka hadlayey guulihii sanadkii hore laga gaaray arrimaha bini;aadanimo ayuu yiri“Mid ka mid ah guulihii la gaaray sanadkii hore waxay ahayd xaqiiqdii inaan ku guuleysannay caawinaad badan inagoo lacag si toos ah ugu gudbinay bulshada ay abaartu ku dhufatay ee baahida ku sugan marka mid ka mid ah xulashadeenna sanadkan waxay noqon doontaa inaan arrintaas sii wadno oo lacag u gudbinno qoysaska u baahan si ay awood ugu helaan inay aadaan suuqyada goobaha ay deggan yihiin ku yaal kuna iibsadaan raashinka, biyaha ee qoysaskoodu u baahan yihiin, intaas waxaa dheer inaan lacag u qoondeyno lagu daweeyo carruurta aadka u nafaqo darreysan si degdeg ahna loo quudiyo shaqsiyaadka aan gaari Karin suuqyada si ay wax uga soo iibsadaan in laga taageero dadka qaabkii ay biyo ku heli lahaayeen nadaafadda iyo daaweynta degdeg oo loo sameeyo dadka u baahan sidoo kale lacagta qaar waxay gaari doontaa dadka xoolo dhaqatada ah iyo beeraleyda si ay noloshooda ugu maareeyaan biyana ugu helaan xoolahooda taasoo muhiim u ah noloshooda.




From the comments