Guddoomiyaha golaha shacabka oo goordhow shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Mooshinkii laga keenay ee kalsooni kala noqoshada uu jiro, loona baahan yahay in golaha la horkeenno, isaga oo u mahad-celiyay golaha aqalka sare ee baarlamaanka 10aad iyo culimada Soomaaliyeed.
Mr. Jawaari oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yiri “Khilaafka mooshin kalsoonida kala noqoshada waa uu dhammaaday, waa la ogolaaday in mooshinkaas uu jiro, loona baahan yahay tillaabadii habooneyd si waafaqsan heer hoosaadka, kaasi oo sheegaya in 10 beri gudhaood lagu hor-geeyo golaha shacabka oo ay u codeeyaan”
Guddoomiyaha golaha shacabka waxaa uu sidoo kale ka codsaday guddiga joogtada ah in uu cayimmo waqtiga codka la qaadayo,



From the comments