Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dab xalay ka kacay hoy kuyaalla degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.
Dabkan oo kacay xilli saq dhexe ah ayaa la sheegay in uu sababay dhimashada 7 qof, 5 carruur ah, hooyadood iyo qof marti ku ahaa gurigaasi.
Sidoo kale, waxaa dabkaasi ku dhaawacmay aabaha gurigan oo ay badbaadiyeen dad gurmad goobta usoo sameeyay.




From the comments