Nigeria ayaa dib uga laabatay saxiixa heshiiskii ganacsiga xorta ahaa ee qaaradda Afrika, kaasi oo lagu waday in uu furmo todobaadkan gudahiisa.
War-murtiyeed ka soo baxay axaddii shalay, dalka Nigeria ayaa lagu sheegay in madaxweyne Muhammadu Buhari, uusan ka qeyb-geli doonin shir-madaxeedka Afrika, kaasi oo lagu qabanayo todobaadkan socoda magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda.
Muhammadu Buhari ayaa la filayey maanta oo isniin ah in uu u duulo Kigali, halkaasi oo la filayo in 53 dowladood oo Africa ah in ay ku saxiixdaan heshiis kulminaya dowladaha Africa, kaas oo noqonaya xisbiga ganacsi ee ugu weyn dunida.




From the comments