Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay gaaraan Magaalada Kigali si ay daaha uga rogaan mashruuca taariikhiga ah ee Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, kaasi oo afrikaanka u ogollaanaya inay si xor ah isku dhexgalaan, una ganacsadaan.
Aagga ganacsiga xorta ah waa mid ka mid ah mashaariicda waa weyn ee fulinteeda la qorsheeyay inuu ku dhaqan-galo muddo toban sano gudahooda, taasi oo ujeedkeedu yahay isdhexgal dhammeystiran, waxaana barbar socon doona hindisooyinka kale ee la xiriira sida Suuqa keli ah ee gaadiidka cirka Afrika “Single African Air Transport Market”, Qabyo qoraalka Sharciga isu socodka xorta ah ee dadka “Protocol on Free Movement of Persons” iyo baasaboorka Afrika.
Shirmadaxeedka Kigali waxaa la filayaa in ay ka qeyb-galaan ku dhawaad 53 dal ee qaaradda Afrika, waxaana diiradda lagu saari doonaa sidii Afrika ay u yeelan laheyd suuqa ganacsiga oo xorta ah kaasi oo mideyn doonaa wax-soosaarka qaaradda.




From the comments