Madaxweynayaasha Cabdi Fitaax Al-siisii iyo Cumar Xasan Al-bashiir oo ku kulmay madaxtooyada Qaahira ayaa waxa ay isku afgarteen sidii la xoojiyo lahaa xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal.
Madaxweynaha Masar Siisii ayaa sheegay in labada dal ay isku raaceen in la xoojiyo xiriirka iyo in la hirgeliyo waxyaabo ay wadaagi karaan labada dhinac si looga gudbo caqabadaha iyo khilaafka mandiqadda Carbeed.
Qaahira iyo Khartuum ayaa waxay iska kaashanayaan dhinacyada Korontada, gaadiidka dhulka, badda iyo cirka.




From the comments