Wasiirrada ka socdo dalalka urur goboleedkha IGAD ayaa khamiista ku kulmi-doonna magaalada Nairobi ee Kenya si meel loo saarro arrinta illaa hal Miyal oo qaxooti ah oo dalalka dariska la ah Soomaaliya joogay muddo 30 sano ah.
“Wasiirrada waxaa ay ka wada hadli-doonnaan wixii ka hirgalay heshiiskii Nairobi ee ku saabsanaa in qaxootiga Soomaalida ay dib ugu noqonayaan si iskood ah” sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal IGAD ka soo baxay isniintii.
“Waxaa goobta lagu soo bandhigi-doonnaa warbixin la xiriirka wixii arrinkaas ka qabsoomay iyo mid cusub oo juquraafi ahaan muujineysa howlaha banii’aadamnimo iyo maalgelinta qorshihii hore”




From the comments