Dalalka Soomaaliya, Kenya, Ethiopia iyo Tanzania ayaa la filayaa in ay ka go’aan qaaradda Afrika inteeda kale si ay u noqdaan qaarad cusub oo la magac bixi-doonta “Somali Plate “, laakin waa 50 milyan sano kadib, sidaasi waxaa sheegay dad ku taqasusay cilmiga geology-ga.
Arrintan ayaa lagu ogaaday kadib dhaq-dhaqaaq dhulka ah oo ka dhacay Narok County, ee koonfurta Kenya.
Halkaas oo jidkii intuu dilaac galay labo noqday, dherarka dilaaca waxaa lagu qiyaasay 50 Mitir halka balacana uu noqday 20 Mitir.




From the comments