9 Haweenka Nadaafadda Ah Oo Isbitaalka La Dhigay
Sheeko:Dalka

Haween 9 gaaraya ayaa lagu warramayaa in ay isbadal xagga neefta ah lagu arkey kadib hawo uga timid gaari NOHA ah degmada Cabdicasis ee magaalada Muqdisho.
Haweenkan oo qeyb ka ahaa kuwa nadaafadda gobolka Banaadir ayaa laga shakiyay in la summeeyay, waxaana la dhigay Isbitaallada, iyada oo xaaladooda aaney weli ka hadlin dhakhaatiirta iyo hey’adaha amniga.
Sida uu sheegay weriyaha Goobjoog FM, qaar ka mid ah haweenka waxaa loo gudbiyay Isbitaallada waaweyn ee Muqdisho, mana jirto ilaa hadda cid sifeysay xaaladooda.
Xaaladda haweenkan kala soco, wararkeenna dambe.
Goobjoog News