Taliyaha qeybta Booliska gobolka Nugaal ayaa ka warbixiyey amniga magaalada Garoowe, xilli maalmihii la soo dhaafay ay shacabka ka cabanayeen dhac loo geysanayey.
Faarax Warsame Dahab taliyaha booliska Nugaal oo Goobjoog News la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in howlgallada ay ku soo qabteen dhallinyaro dhac u geysanayey dadweynaha, islamarkaana ay gacanta sidoo kale ay ku soo dhigeen dhallinyaro kufsi ku kacay.
“Labo arrimood ayaa hadda ugu weyn falalka keenay amni darrada, waxaa ayna yihiin dhallinyaro ku hubeysan tooreeyo iyo dhagax, kuwaas oo sameeya falal ka horimaanaya amniga, waxaa ay sameeyaan moobaylada ayey dadka ka dhacaan qofkana uma turaan oo tooreyda waa ay galiyaan, dhallinyaradaas in badan oo ka mida waa naqaanaa haddana waxaan ku guda jirnaa in aan gacanta ku soo dhigno kuwo kale”.




From the comments