Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa badalay la taliyihiisii amniga qaranka H. R. McMaster waxaa uuna u magacaabay safiirkii hore ee Mareykanka u fadhiyey qaramada midoobay John R. Bolton.
Trump ayaa bartiisa Twitterka waxaa uu ku qoray uga mahadceliyey H. R. McMaster shaqooyinkii uu qabtay waxaa uuna yiri “Waxaa uu qabtay shaqo aad u fiican, waxaan ku faraxsanahay inaan sheego laga bilaabo sagaalka bisha April 2018, John R. Bolton waxaa uu noqon doonaa lataliyaheyga amniga qaranka”.
John R. Bolton waxaa uu soo noqday safiirka Mareykanka u fadhiyey qaramada midoobay, waxaana lagu tiriyaa inuu yahay muxaafidiinta cusub ee Trump, sidoo kale waxaa uu ka mid ahaa tiirarkii adkaa ee madaxweynihii hore ee Mareykanka George W. Bush.




From the comments