Mudanayaal ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay xadgudubka dowladda Kenya ee dhanka degmada B/xaawo.
Waxay xildhibaannadan sheegeen qaarkood, in dowladda Kenya ay si cad ugu xadgudubtay xuduudda aan rasmiga ahayn ee Labada dhinac, sidoo kalena ay waxyeello u geysatay shacab aan waxbo galabsan.
Senator C/laahi Sheekh Ismaaciil oo laga soo doortay Jubbaland, ayaa sheegay in markii dowladda ay ku baxday duulaanka Kenya ee dhanka xadka ay yaraatay dardartii ay wadeen, balse Saddex Bil kadib ay dib usoo rogaal celiyeen.




From the comments