Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa aragti kala duwan ka dhiibtey mooshinka ay xildhibaanno ka mid ah golaha shacabka ay ka keeneen guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Waxay dadkan qaarkood qabaan in mooshinkaan yahay mid lagu degdegay, islamarkaana hadda loo baahnaa in loo midoobo horumarka dalka.
Sidoo kale, shacabka qaarkood ayaa sheegay in mooshin la keeni karo, loona baahan yahay in si sharci ah wax loo qabto, balse aanay eegin mudanayaasha danahooda gaarka ah.




From the comments