Dubai Ports (DP) World ayaa sabtidii dalka Kazakhstan kula heshiisay in ay maamusho 2 goob oo ganacsi iyo dhaqaalaha dalkaasi u tiirsan yahay.
Heshiiskan waxaa dhanka shirkadda u saxiixay madaxa DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem halka Kazakhstan uu u saxiixay madaxa shirkadda Kazakhstan Temir Zholy (KTZ) Kanat Alpysbayev iyo duqa magaalada Mangistau region of Kazakhstan, waxaa goobta joogay dhaxal-sugaha Abu Dhabi Sheikh Mohammed Bin Zayed iyo madaxweynaha dalka Kazakhstan Nurusltan Nazarbayev.
Dubai Ports oo loo yaqaano (DP) World, waa shirkad dowli ah, waxaa iska leh xukuumadda imaaradda Dubai, waxaa ay inta badan gashaa heshiisyo dhaqaale, waxaana ku adeegato Imaaraadka.




From the comments