Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka oo isku magacaabay gudiga bad-baadada Golaha shacabka oo hadda shir ku leh Villa Hargeisa ayaa guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha Cabdiweli Muudeey ku eedeeyay in uu la saftay Xildhibaanada Mooshinka ka wada Gudoomiye Jawaari.
Xildhibaannadan oo shir jaraa’id qabtay ayaa sidoo kale xukuumadda Xasan Kheyre uga digay carqaladda ay ku heyso golaha shacabka.
Gudiga bad-baadada Golaha shacabka ayaa tiradooda ku sheegay 100 Xildhibaan, iyaga oo sheegay in ay u soo baxeen badbaadinta golaha shacabka.




From the comments