Maamulka deegaanka Goofgaduud Buurey ee gobolka Baay ayaa sheegay in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ay Al-shabaab kala wareegeen deegaanno ku dhow deegaankaasi.
Guddoomiyaha deegankan Maxamed Aadan oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana ay qaadeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed.
Waxa uu sheegay guddoomiyaha in ciidamada ay hadda gacanta ku hayaan fariisimo Al-shabaab ku lahaayeen deegaanno hoostaga Goofgaduud, islamarkaana ay ku sugnaan doonaan.




From the comments