Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya lagula eegtay wadada isku xirta degmooyinka B/weyne iyo Maxaad ee gobolka Hiiraan.
Saraakiil ka tirsa ciidanka xoogga dalka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in miinadan ay la kacday gaari ay la socdeen ciidamada, xilli howlgallo ay ku jireen.
Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhaawacmay Shan askari oo ka tirsan ciidanka dowladda, kuwaasi oo hadda lagu daweynayo B/weyne.




From the comments