Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyey Goobjoog News, wuxuu kaga hadlay 34 shaqaale oo ka tirsan maamulka Hawada oo maanta loo soo wareejiyey magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka shaqeyn jiray xafiiska Nairobi.
Waxa uu tilmaamay wasiirka shaqaalahan ay Nairobi ku shaqeynayeen tan iyo sanadkii 1993-kii, haatanna ay Muqdisho si rasmi ah ugu shaqeyn doonaan.
Maamulka Hawada ayuu sheegay in sidoo kale weli laga sii maamuli doono magaalada Nairobi inta ay xarumo kale ka dhisayaan gudaha dalka, si haddii meel ay wax ku yimaadaan meesha kale usii shaqeyso.




From the comments