Magaalada Mandhera ayaa wadahadal horudhac ah waxa uu ku dhexmaray mas’uuliyiin ka socotey dowladda Federaalka, gaar ahaan maamulka Jubbaland iyo xubno ka socdey dowladda Kenya.
Ujeeddada kulankaan ayaa ahaa in laga wadahadlo darbiga ay dowladda Kenya ka dhiseyso degmada B/xaawo, in la qaboojiyo xiisadahii jiray iyo arrimo kale.
Wasiir ku xigeenka arrimahagudaha Jubbaland C/raxmaan Maxamed Xuseen oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in xubnaha ka socdey Kenya ay aqbaleen in la joojiyo dhismaha darbiga inta ay iska arkayaan mas’uuliyiinta Labada dal.




From the comments