Aqalka Sare Oo Hakiyay Dhex-dhexaadintiisa Khilaafka Golaha Shacabka
Sheeko:Dalka

Warar ay hadda heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya uu hakiyay shaqadii dhex-dhexaadinta ee aqalka ee xallinta khilaafaadka golaha shacabka
Dhinaca kale, go’aankaasi waxyar ka hor waxaa is casilay 3 ka mid ah guddigii 7da ahaa ee aqalka sare u saaray xallinta khilaafaadka golaha shacabka ay 3 ka mid ah iscasileen.
Xubnaha ayaa is-casilaadda hordhigay guddiga joogtada ah ee aqalka sare, waana laga aqbalay, magacyadooda waa: Maxamud Axmed Maxamud(Mashruuc), Maxamed Amiin Shiiq Cusmaan iyo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.
Goobjoog News