Ururrada bulshada rayidka gaar ahaan SOCENSA ayaa sheegtay in xaaladda ka taagan dalka ay keeni karto dib u dhac ku yimaada horay u socodka horumarada dalka uu gaari lahaa, iyaga oo soo jeediyay in danta dalka laga shaqeeyo muhiimaddana ay tahay in wax walba lagu xaliyo is afgarad .
Diini Maxamed Diini, guddoomiyaha dalladda SOCENSA oo la hadlay Goobjoog News ayaa yiri “ Is jiidjiidka siyaasadeed waxaa haboon in lagu xaliyo qaab dastuuri ah iyada oo la ilaalinayo xasiloonnida dalka “.
Ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed ayaa iyagana dhankooda sheegay in dhibaato walba ay ku dhacdo haweenka sidaas darteedna aysan u dulqaadan Karin waxa xilligan soconaya.




From the comments