Israel ayaa laashay qorshe inta badan kiciyey muran kaasi oo ku saabsan Tarxiil wadareed ay ku sameyn rabtay muhaajiriinta Afrikanka ah ee ku sugan dalkeeda.
Arrinka laalitaanka ayaa yimid ka dib markii Israel iyo qaramada midoobay ay isla gaareen heshiis ku saabsan mustaqblka dadkan.
War ka soo baxay Xafiiska ra’iisulwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegay in xafiiska socdaalka ee raacsan qaramada midoobay ay ka wada xaajoon doonaan heshiisyo lala gelayo dowladaha reer galbeedka, si dib u dejin loogu sameeyo in ka badan 16 kun oo muhaajiriin Afrikan ah, halka Isarel ay iyadana ka shaqeyn doonto in ay hagaajiso xaaladaha sharci dadka doonaya in ay sii joogaan dalkeeda.




From the comments