Dowladda Uganda ayaa shaacisay tirada askartii shalay looga diley dagaalkii ka dhacay deegaanka Buulamareer ee gobolka Shabellaha Hoose.
Afhayeen u hadlay Milatariga Uganda ee ku sugan Soomaaliya ayaa sheegay in dhankooda halkaasi ay kaga dhimatay Afar Askari, Shan kalena ay kaga dhaawacan tay.
Waxa uu Afhayeenkan sheegay in dhanka Al-shabaab ay ka dileen in ka badan 20 dagaalyahanno, ka gubeen gaadiid, kana qabsadeen hub badan.




From the comments