Shirkadda DP World ayaa mashaariic maalgashi ka waday Dekadda Berbera, hase ahaatee mashaariicdaas waxaa ay sababeen muran u dhaxeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka.
Haddaba saameyn ceynkee ah ayey ku yeelan kartaa DP Worldn Soomaaliya aqoonyahan Bashiir Cabdulqaadir Macalin oo la hadlay Goobjoog News ayaa ku jawaabay sidaan “Xildhibaannada inkastoo lagu eedeeyo in ay qaataan lacago, balse inta badan Baarlamaannada waxaa ay ku sharfanyihiin waxyaabaha waddanka qarannimadiisa ku saabsan kama aysan gorgortamin”.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa loo gudbiyey in uu fuliyo go’aanka ay baarlamaanka ay ka qaateen shirkadda DP World kana mamnuucay in ay dalka ka shaqeyso.




From the comments