Wararka ka imaanaya degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa waxay sheegayaan in halkaasi lagu arkay meydka wiil dhallinyaro ah oo aan illaa hadda la qoonsan.
Goob jooge ayaa u sheegay Goobjoog News, in ruuxa meydka ah da’ ahaan lagu qiyaasay inta u dhaxeysa 20 illaa 30 sano jir, gacmahana uu ka xiran yahay, jirkiisana ay ka muuqato jir dil iyo in dab lagu qabtay oo kale.
Goobta meydka yaalla oo ah xaafadda Nageyle ayaa waxaa isugu soo baxay shacab badan, iyadoo weli aanay jirin wax maamul ah oo arrintaan ka hadlay.




From the comments