Soomaaliya: Mareykanka Oo Duqeyn Ku Dilay 5 Al-shabaab Ah
Sheeko:Dalka

Ciidamada Mareykanka ayaa howgal ka sameeyay gudaha Soomaaliya iyaga oo sida la sheegayo dilay ilaa 5 ka tirsan Al-shabaab.
Weerarka waxaa uu ka dhacay meel u dhow magaalada Ceel-buur, Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, sidaasi waxaawakaaladda wararka ee AP u sheegay taliska Mareykanka ee loo yaqaanoThe US Africa Command (Africom).
Gaariga la duqeeyay waxaa saarnaa saraakiil ka tirsan Al-shabaab, dadka dhintana waxa ku jirtay haweeney, (Africom). Ayaa intaasi raacisay.
Dhankooda Al-shabaab kama hadlin, laakin warbaahinta xiriirka la leh ayaa sheegay in duqeyn Mareykanka geysteen 2 caruur.
Goobjoog News