Askar ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay nawaaxiga xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho jirdil ugu geysteen wariyeyaal ka mid ah kuwa ka howlgala magaalada Muqdisho.
Ciidamada ayaa u gacan qaaday qaar ka mid ah wariyeyaasha, waxaana ay sidoo kale agabkoodii shaqo ka qaateen qaar kamid ah suxufiyiintan, iyadoo sidoo kale wariyeyaashan rasaas lagu ridey.
Suxufiyiintan oo saakay loo diidey iney wararka si toos ah uga soo tabiyaan xarunta golaha shacabka ayaa dhanka kalena dhibaato kala kulmay ciidamada DFS.




From the comments