Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo ka mid ah Xildhibaannadii maanta tagay xarunta golaha shacabka ayaa ka hadlay wixii dhacay isaga oo ciidamada ku tilmaamay sharci darro
“Laga soo bilaabo Dabka ilaa iyo Daljirka-daahsoon inta ka dhaxeysa ayaa Xildhibaannadii looga reebay ciidankoodii ammaanka, sharciga waxaa uu ahaa Albaabka ayaan ku reebi jirnay, habdhowrihii Baarlamaanka lagalama heshiinin, madaxdii baarlamaanka lagalama heshiinin, hay’addii fulinta faro-gelin cad oo ay ku sameysay Xildhibaannada ayey aheyd”
Xildhibaan Cabdixakiin Macalin oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Baarlamaanka waxaa ka jiray qorshe maamulka dabbaran oo laga soo shaqeeyay taasi oo aheyd in Baarlamaanka shaqadiisa laga hor istaago, maanta waxaa la rabay in Ajande mucayin ah laga soo saaro qaab mucayin ahna looga fakaro aad ayaan ug xunnahay habdhaqanka ceynkaas oo kale ah”.




From the comments