Xildhibaannada golaha guurtida ee baarlamaanka Somaliland ayaa maanta waxay ansixiyeen xeerka kufsiga iyo tacaddiyada la xiriira oo horey usoo ansixiyeen xildhibaannada baarlamaanka Somaliland.
Xeerkan ayaa ka hor ansixintiisa wuxuu muran xooggan ka dhex dhaliyey xildhibaannad agolaha guurtida iyo ururada u dooda arrimaha haweenka, gaar ahaan kuwa maxalliga ah ee Somaliland ka howlgala.
Golaha guurtida ayaa wax ka bedal ku sameeyey xeerkan, waxaana markii codka loo qaaday aqbalay 35 mudane, 7 ayaa diidday halka 9 ay ka aamustay.




From the comments